pexels-donatellotrisolino-1336858

Sidee kun dolller ilaa shan boqol oo doller uga samayn kartaa xirfada graphic design ka?

waxa jira kumanaan xirfadood oo aad internet ka dhaqaale uga samayn karto adigoo ka samayn kara internet ka dhaqaale aad u fiican bishii. Maqaal keenan manta waxa aan diirada saari doona xirfadagraphic design ka qaabkii aan internet ka dhaqaale uga samayn lahayn qaab online ah iyo qaab physical ah.

waa maxay xirfada graphic design?

Graphic Design waa farshaxan iyo hab farsamo oo loo adegsado sawirada, qoraalka, iyo midabada si loo abuuro naqshado muuqda oo
soo jiidasho leh. graphic Design waxa uu ka koobnaan karaa nashqadaynta boodhadh ka,logooyin ka, posterada xaysiis yada iyo wixii
la mida. Graphic Design waa xirfad aad u fudud oo qof kastaa u baahan yahay in uu barto si uu ugu shaqo galo mustaqbalka dhaw. Waa xirfad ay u baahan yihiin ganacsatada, haayadaha, bangiyada dakhterada iyo ganaci kasta oo aduun ka guud kiisa saaran.

Sidee U noqon kartaa Graphic Designer?

si aad u bilowdo xirfadan una noqoto graphic design buuxa waxa lagaaga baahan yahay in aad raacdo roll map ka.

  1. Baro aaS-aaska graphic design ka : Si aad u noqoto graphic design buuxa waxa lagaaga baahan yahay in aad barato aas-aaska graphic design ka.
  2. qaado koorsooyin : qaadashada koorsooyin waxa ay kaa caawinaysaa in aad si xeel dheer u barato master garayso xirfadan wax yaalo badana ka faaidid. Waxa jira laba qaab oo aad ku baran kartid xirfadan.

Qaab free ah

Fikir ahaantayda waxa aan kugula talin lahaa in aad aadato qaab kan free ga ah inta bilow ga tahay waayo waxa aan ku dhihi lahaa intaa qaadanayso aas aas ka nashqadaynta ku bilow qaab free ah adigoo fahmi doona sida ay u shaqayso wuxuu yahay iyo waxi lamida. halkan waxa aan kuugu soo gudbin doona websiteyo caan ah oo aad ka baran karto xirfadan qaab free ah

  • Alison.com : wax aad ka heli kartaa diploma graphic design ah adigoo ka baraanaaya culuumta graphic desing ka aas-aaska ilaa meel sare kana helaaya certficate dhamaystiran.
  • udemy.com : waa mid ka mida website yada ugu caansan ee aad ka baran karto xirfadaha kale duwan ay ka mid tahay graphic desing adigoo ka helayaa course free ah oo graphic design ah with out certficate.

Qaab Lacag Ah

Qaaban kan waxa aad ku baran kartaa xirfadan adigoo bixinaaya lacag then qaadanaaaya courses ka waxa ad ka heli kartaa courses kan website yadan hoos ku xusan waana kuwa wanaagsan ee aad ka barin karto.

  • Waaberiacademy.com : waa mid ka mida website yada ugu caansan dhanka somalida waxaana ka baran karta xirfada graphic desing ka iyo wixii la mida
  • Gellebashir.com : waa website aad ka qaadan karto xirfada graphic design adigoo ku dhigan kara qiimaha 30 doller.
  • Haldooracademy.com : waa mid ka mida website yada aan ka qaatey anigu xirfada graphic desing ka waana xirfad aad i anfacday sidaa si la mida waad ka qaadan kartaa website ka course kan.

Software rada  ugu waanagsan ugana caansan ee la isticmaalo

waxa jira kumanaan Software oo kaa caawin kara isticmaalka xirfada graphic desing ka, balse waxajira Softwaro aad u caan ah aad na ugu wanaagsan nashqadaynta. Software  waxa jira qaar iib ah iyo gaar free ah waxaana ka mida Softwaradan, Softwarada shirkada adobe waana kugu caansan ee dadka idil kood ay isticmaalaan waxa ka mida adobe photoshop, adobe illustrator, adobe indesign, waxa kale oo jira Software caan ah sida canva , figma , picsart, GIMP iyo wixii la mida.

Sidee ugu shaqaysan karaa Xirfadan?

marka aad master garayso xirfadan waxa aad u baahan tahay in aad ku shaqayso dhaqaale fiicana ka samayso xirfada wakhtiga badan ku bixinaysey isla markaasna aad soo baratey
si aad u hesho shaqo dhaqaale fiicana uga samayso waxa aad raaci kartaa dhowr step si aad u hesho shaqo si online ah iyo si offline ah ba.

Shaqo Online ah

  • Samayso website portfolio ah: lahaanshaha website portflio ah waxa uu kaa caawin karaa in si fudud macaamiishaadu u arkaan waxa aad tahay waxa aad qabatid iyo project yada aadu diyaarisay macaamiishada iyagoo macmiilku xalkaas ka arki karo xirfadaada iyo khibradahaaga graphic designeed. Hadii aad aqoonnin qaabka loo dhiso website portfolio ah waxa aan kaa caawin karnaa in aan kuu samayno website portfolio ah oo aad ku soo bandhigato xirfadahaaga shaqooyin kaaaga iyo wixi la mida nala soo xidhiidh Halkan WhatsApp
  • Raadi fursadaha shaqo ee internet ka : si aad u hesho shaqo aad u wanagsan adigoo gurigaaga jooga ama goobtaada shaqo waxa aad raadsan kartaa shaqo internet ka dhexdiisa adigoo profile ka samaysanaaya platfoms ka kale duwan sida fiver, upwork, freelancer iyo wixii la mida.
  • ka samayso profile website yada bixiya freelancin ka : ka samayso profile website yada kale duwan ee freelancing ka sida fiver, upwork, freelancer iyo wixii lamida adigoo kal heli karaa shaqooyin kale duwan.

  • suuq gee xirfadaaha: si aad u suuq gayso xirfadahaaga samayso baraha bulshada kale duwan adigoo bartaas kusoo gudbinaaya waxaa qabato iyo xirfadaada waxa aad ka heli doontaa macaamiil aad u shaqayso si wanaagsana ku qaabila.

Shaqo Offline ah

  • baadi goob ganacsada : ganacasata badan kood waxa ay ganacsigoodu u baahann suuq gayn damasytiran la xidhiidh ganacsatada adigoo email kooda ugu diraaya waxa aad tahay waxaa qabato iyo sidaa u shaqayso.

  • u samee simple post : u samee ganacsiga simple post si aad u hanato una tusto xirfadahaaga iyo inaa u samayn karto design soo jiita indhaha macamiishiisa.

  • u tag ganacsatada yaryar : u tag ganacsatada yaryar si aad u hesho macaamiil adigoo ganacsatada ka caawinaaya postarada suuq gaynayd una samee mid kasta post simple ah una nashqadee si professional ah si aad u jiidato macmiilka indhihiisa.

Gababa Gabadii waxa aan kugula talin lahaa in aad baratid xirfadan ku dadaashid aad na u master garaysid baranaaa aaskeeda ilaa qaabta ugu saraysa waxa aad ka heli doonta fursad shaqo oo xor ah ama waxay kuu noqon kartaa side haslet kale oo aad ugu anfacdo kuuna shaqasato adigoo goobahaaga shaqo ama wax barasho jooga.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *