Affiliate marketing ku waa mid ka mida online bussiness yada aduunka ka jira. Affiliate marketing ku Waa hab kuu saamaxaaya in aad suuq gayso alaab ama badeecooyin ama digital product adigoo ku xaysiinaaya ama kusoo bandhigaaya social media haaga, shirkaduna waxa ay ku ogalaan doonta komishen marka uu qof ku wax iibsado saas na ku kasban kara dhaqaale aad u fiican. Waa hab aad ineternet ka lacag uga samayn karto adigoo jooga gurigaaga goobtaada shaqo ama goobahaaga wax barasho.
Sidee buu u shaqeeyaa affiliate marketing ka?
Habka uu u shaqeeyo affiliate marketing ku waa in aad hesho alaab aad suuq gayn u samayso marka aad soo hesho alaaabtii waxa aad heli doonta link adigoo ka helaaya alaabta aad xayasiinayso linki gaags, link gaasi maahan link ay dadkoo dhan kula wadaagaan balse waa mid adiga kuu khaas ah, waxa aad suuq gayn doonta alaabtii ama adeegii aad soo promet garaysey waxaad na ku dari doonta link gaaga, marka uu qofku doorto link gaagaas uuna iibsado alaabtii waxa aad heli doonta ama kuusoo dhici doonta lacag taas oo loo yaqaano komishan.
Talaabooyin ka uu u shaqeeyo affiliate matketing ka
Waxa jira talaabooyin uu u shaqeeyo affiliate marketing waxaana la huba hadii aad raacdo talaabooyin kan waxa aad si wanaagsan uga shaqaysan kartaa affiliate marketing ka waxaana ka mida tallaabooyin kaas.
- Dooro mawduuc kuu gaara : doorashada mawduuc kuu gaara ama aad ku fiican tahay waxa ay kaa caawin kartaa in aad hesho alaabo kale duwan oo khuseeya mawduucaagas sidoo kale wda aad soo jiidan kartaa macaamiil aad u badan oo xiisanaysa mawduucaagaas. Tusaale ahaan waxa aad dooran kartaa mawduucada khuseeya , caafimaad ka , technology , home and ketichen ka, betuey ama wixii la mida.
- Raadi Barnaamij yada Affiliate ka ah : Waxa aad raadin kartaa barnaamij yada affiliate ka bixiya kuwaas oo ku haboon mawduucaaaga, tani waxa ay kaa caawin kartaa in aad hesho alaabo ama adeegyo aad u badan taasi oo aad awood buuxda u leedahay in aad suuq gayso. Tusaale ahaan hadii ad xiisayso mawduucyada electronic ka ah waxa aad iska diwaan galin kartaa barnaamij ka amazone associetes ama wixii la mida.
- Samayso Website ama Blog : marka aad heshid mawduuc kugu saabsan sidoo kale na aad heshid barnaamij kugu haboon waxa aad awood buuxda u leedahay in aad alaabihii aad xaysiisyo u samaysid isla markaas na aad u samaysid suuq gayn website ku waxa uu door muhiim ah ka qaata suuq gaynta alaab yada ama adeeg yada. Waxa aad samaysan kartaa website dhamaystiran adigoo ku xaysiinaaya website kaaga alaabtii aad soo heshay saasna macaamiishaadu ay ku arki karaan alaabtada xaysiinayso.
- Adeegso Baraha Bulshada : adeegsiga baraha bulshada waxa aad ka heli kartaa macaamiil aad u badan kuwaas oo si fudud ugu soo xidhmi kara barahaaga bulshu taas oo aad suuq gayn ugu samayn karto alaabtii aad soo heshay si fudud na ay dadku u iibsan karaan.
- Abuuro Youtube Channel : hadi aad awood u leedahy in aad samayso muuqaalo samayso youtube channal. Youtube waa madal aad aad u wanaagsan taasi oo aad ku xaysiin karto alaabahaaga adigoo ku samaynaaya dib u eegis qaabka uu u shaqeeyo iyo sida ugu wagaahsan ee loo isticmaalo alaabta aad xayaysiinayso, ka dib na waxa aad ku dari doonta link kaaga si dadka ku daawanaaya ay alaabtaada xalkaas ka iibsadan.
Website yada ugu wanaagsan ee bixiya affiliate marketing ka
Waxa jira kumanaan website kuwaas oo bixiya affiliate marketing ka balse waxa jira kuwo aad u caan ah nasiib daro kuwaas qaar ka mida ma ka shaqeeyaan somalia. Waxa aan halkan kugu xusi doona kuwa ugu wanaagsan ee ka shaqeeya somalia taas oo ay sahlan tahay in aad ka shaqayso lacag taadana si fudud ku heshid.
- amazone associates : waa shirkad ka mida shirkadaha ugu caansan taas oo aad ka heli karto shirkada barnamij ka affiliate marketing ka. Amazone associates waxa iska leh shirkada amozone waxayna ku suurto galinaysa in aad hesho barnaamij ka affiliate marketing ka adigoo jooga wadan kaaga hooyo. Amazone associates waxa ay bixiya komishan uu percentage kiisu yahay 1% ila 10% ay ku xidhan tahay qaybta alaabta.
Lacag bixinta : amqzone waxa ay lacagaha ku bixisaa qaabab kale duwan balse waxa aan kuu xusi doonaa qaybaha ugu fudud ee aad awood u leedahay waxaana ka mida :- wire transfer ama payoneer.
- digistore 24: waa madal affiliate marketing ah, waxa ay fursad wayn ku siinaysaa in aad si fudud alaabaha u suuq gayn karto iyadoo ku siinaysa komishan aad u sareeya malahan sida kuwa kale precentage go’an balse digistore 24 alaab kasta oo aad suuq gayso waxa ku xusan inta lacag ah ee aad helayso hal kii iiba.
Lacag bixinta : digistore waxa ay ku bixisaa lacaha qaabab kale duwan balse waxa ugu caan san paypal ama payoneer, hadii aad haysato labada account mid uun waxa aad fursad u haysataa in aad ka shaqaysato digistore 24.
- cj affiliate : waa mid ka mid ah website yada bixiya affiliate marketing ka.waana mid aad ka heli karto alaabooyin aad u tiro badan kuwaas oo aad u samayn karto suuq gayn. Marka aad suuq gayso alaabaha qofkii kaa iibsada alaabtaas waxa aad alaabtas ku leedahay lacag taas oo lagu qiyaaso percentage kiisa 5% ilaa 20%.
Lacag bixinta : cj affiliate waxa ay lacaga ku bixisaa labo qaab kuwaas oo kale ah direct transfer iyo payoneer.
- bluehost affiliate program: waa shirkad ka mid ah shirkadaha bixiya web hosting ka. Waa shirkad ay fududahay in aad u hesho macaamiil ka iibsada web hosting ka adigoo u suuq gaynaaya uun web hostin ka ay bixiso shir kadan, aaxa aad u si fudud ku heli karta komishan go’an 65 doller ilaa 130 doller halkii macmiil ee cusub ee iibsada.
Lacag bixinta : bluehost waxa ay lacaga affiliate ka ku bixisa paypal waana hab ka ugu caansan ee lacaga lagula baxo internet ka. Hadi aaad leedahay account paypal ah waxa aad si fudud uga shaqaysan kartaa bluehost adigoo ka samaynaaya dhaqaale fiican.
- impact affiliate marketing: website kani waa website yada ugu wanaagsan affiliate progms ka waa website aad ka heli karto physical ama digital products adigoo suuq gayn fiican ku samaynaaya alaabadaas. Waxa aad heli doontaakomishan taas oo ay ku xidhan tahay shirkadaha aad la shaqaynayso.
Lacag bixinta : impact waxa aad lacagaha kala bixi kartaa adigoo isticmaalaaya payoneer , paypal ama direct transfer.
Faa’idooyin ka uu leeyahay ganacsigan affiliate marketing ka
Waxa jira ila dhowr faaido ah oo uu leeyahay ganacsigan balse wqxa aan ka xusi doona ilaa 10 ka faaido uu leeyahay ganacsigan.
- Bilow Fudud : waxa aad affiliate marketing ka ku bilaabi kartaa qaab fudud adigoo suuq gaynyaaya alaab aad mulkiyadooda lahayn lagaaga ma baahna in aad leedahay alaab.
- Passive Incom : affiliate marketing ku waa hab aad u fiican kuwaas oo la dhaho waa passive incom taasi oo aad dhaqaale ka samayn karto adigoo shaqadaada haysta howlahaagana qabananaya.
- Kowdhinta Xirfadaha Xaysiis ka : inta aad ka shaqaynayso affiliate marketing ka waxa aad helaysaa in aad kor u qaadis ku samayso xirfadahaaga xaysiiseed, adigoo baranaaya xirfado kale duwan kuwaas oo khuseeya xaysiiska.
- Isku Filnaansho Maaliyeed : affiliate marketing ku waxa uu awood buuxda kuu siinaaya in aad gaarto isku filnaansho maaliyeed adigoo bil kasta ka samaynaaya dhaqaale aad u fiican.
- kor U Qaadista Aqoon iyo Khibrad Ganacsi: waxa aad ganacsigan online ka ah ka faaidi kartaa in aad hesho khibrad ganacsi isla markaas na aad hesho aqoon taasi oo aad fiil kaaga dheeraan doontid.
Gabogabo: Ganacsigan affiliate marketing waa mid aad u faa’ido badan. Waa mid kuu suur ta galinaysa in aad shaqayso adigoo aan tagan wax shaqo ah waxa aad wax ka kasban kartaa adigoo gurigaaga jooga ama wata shaqaada taasi na waa mid aad u awood badan oo waxa aad heli doonta passive incom aad ku maarayn kartid kowlahaaga. Ganacsigan ma leh wax shuruud yo ah mana jirto wakhti lagugu xidhaayo waxa aad dhaqaale uga samayn karta wakhtiga aad firaaqada haysid waana mid aad u fiican. Gunti ganacsigan waa mid aaad u faa’ido badan ee dhalin yaro hala ogaado.
Add a Comment