Video editing ku waa hab ka lagu habaynaayo lagu saxaayo muuqaalada filimada si loo abuuro muuqaaalo tayo leh nuxur wanaagsana xambaarsan. Video editing ku waxa uu ka koobnaan karaa jarjarista muuqaalada isku xidh xidh ka muuqaalada kale duwan, codadka kale duwanaanshaha colorada iyo ku darista saamayn gaar ah muuqalkaaga. Video efiting ka waxa lagu isticmaala wax kasta oo la xidhiidha muuqalada sida casharada , xaysiisyada , filimaanta , youtub ka iyo wax kasta oo la xidhiidha barnaamij yada kale duwan ee tiiviiyada.
Xirfada Video editing ka ayaa noqon kara xirfad aad u fiican oo lagu shaqaysan karo.
Waa xirfad aad ku maarayn karo noloshaada dhaqaalahaaga aad na ku anfici karta, sidoo kale waxaa ugu shaqaysan kartaa xirfadan si xor ah adigoo shaqaynaaya wakhtiyada aad free ga tahay kana shaqaysan kara. Barnaamij yada kale duwan sida upwork fivver, halkaas oo ay dadku u baahan yihiin xirfadaada muqaal samayn ta lacagna kugu siinaaya shaqadaada saas na ku kasban kara dhaqaale aad u fiican.
Sidee ku baran kartaa xirfada video editing ka?
Barashada xirfadani maahan mid aad u adag waa xirfad aad u fudud aadna u sahlan barashadeedu. Xirfadahi waxa ay kaaga bahan tahay dadaal aad u badan iyo juhdi waxa aadna ku baran kartaa xirfad wax ka yar 6 bilood. Waxa jira labo wado oo aad raaci karto si aad u barato xirfadan video editing ka waxa ayna kake yihin :-
- Qaab lacag la aan ah
- Qaab lacag ah
Labadan qaab waxa ay bixiyaan firsado kale duwan iyagoo awood buuxda kuu siinaaya in aad barato xirfadan. Inkastoo ay jiraan farqi yar oo aan saas u badnayn hadana ma ahan caqabad kaa hor istaagi karta barashada xirfadahan.
Qaab lacag la aan ah
Xirfada video editing ka waxa aad ku baran kartaa qaab lacag la aan ah adigoo master garaynaaya xirfadan sida ugu wanaagsana u baran kara. Waxa jira kanaalo aad u badan iyo website yo aad u badan oo aad ka baran karto xirfadan inkastoo aanay kuu wada dhamaystiri karin xirfadan hadana waxa aad ka baran kartaa casharo aad u qaali ah aad na kuu anfici kara.
- youtube :- youtube ku waa mid ka mid ah qaabab ka ugu fiican ee aad ku baran karto xirfada video editin ka adigoo youtube ka helaaya kumanaan casharo oo kale duwan oo kale ah basic, middle iyo advanced taas oo ku saabsan xirfada aad baranayso. Waa kuwan channels ka ugu wanagsan ee aad ka baran karto xirfada video editing ka.
1 :- primiere gal : kannelkan waxa uu diirada saaraa kana heli kartaa casharo lacag la aan ah oo adobe premiere pro iyo adobe affter effect ah iyo guud ahaan video editin ka. Waxa ay si faahfaahsan ugu sharxaan casharada si talaabo talaabo ah laga bilaabo bilow ila heer sare.
2 :- filmora toturials : hadii ad isticmaasho barnaamij ka filmora waxa aad kanaalkan ka heli kartaa casharo dhamaystiran adigoo ka baranaaya sida ugu wanaagsan ee aad ku baran karto softwere kan iyo sida ugu sahlan ee ad ku noqon karto filmora video editor.
3 :- justin odisho : waa kannaal aad ugu wanaagsan xirfada video editing ka wuxuu si faahfaahsan ugu sharxaa xirfadan. Wuxuu diirada saaraa softweres ka shirkada adobe sida adkbe primeir pro iyo after effect. Waxa aad ka heli kartaa talooyin iyo tusaalooyin ku saabsan midabada, cod hagaajin ta iyo talooyin kale oo xirfadan ah.
- cousera iyo edx : website kan waxa aad ka heli kartaa casharo ku saabsan xirfada video editing ka kuwaas oo ku bixiya jaamacada iyo qaab online ah ba si lacag la aan ah adigoo ka baran kara xirfadan kuna shaqaysan kara aad na uu kuu anfici doona website kan.
- adobe learn & sepport : website ka rasmiga ah ee shirda adobe waxay bixisaa casharo bilaash ah oo ku saabsan softwerada adobe premiere pro iyo adobe affter effect waxa aad ka heli kartaa casharo bilow ah ilaa kuwo advance ah oo aad ka baran karto qaab lacag la aan ah si xeel dheer.
Qaab Lacag Ah
- waabari accademy : waa website waxbarasho taas oo ad ka baran karto xirfado akle duwan waxa aad ka baran kartaa xirfada video editing ka raas oo aad ku baran karto afkaaga soomaliga ah. Waxa aad si qoto dheer u baran kartaa una heli karta casharo aad ku anfaca website kan.
- udemy : udemy wa website aad u wayn oo laga helo xirfado kake oo aad ku anfici kara waxa aad si qoto dheer uga baran kartaa xirfada video editin ka. Waxa uu leeyahay casharo aad u tayo wanaagsan kuwaas oo leh casharo aas aaas ah kuwo dhexe iyo kuwo heer sare ah oo ku saabsiisan xirfadan video editing ka .
- coursera : waa website ay ku xidgan yihin jaamacado aad u waawayn taasi oo aaf si heer sare ah aad uga baran karto xirfada video editing ka . Waxa aad ka heli kartaa xirfada video editing ka casharo aad u tayo sare leh iyo shahaadadeedi taas oo ay bixiyaan jaamacada iyo ha, adaha caan ah sida university of colorada ,michigan state university waxaad na ka heli kartaa casharo heer sare ah si qoto dheer oo tayo leh.
Softwerada ugu caansan ugu wanaagsan ee loo isticmaalo video editing ka
Waxa jira kumanaan softwere taasi oo loo isticmaalo video editing ka kuwaas oo ku haboon heerarka xifdadeed ee aad u leedahay xirfadan. Halkan waxa aan ku xusan kuwa ugu wanaagsan ugu na caansan ee loo isticmaalo xirfada video editing ka .
- adobe primiere pro :-Waa mid ka mida softwerada ugu caansna ee loogu isticmaalka badan yahay aduunka. Waxa ay bixiyaan qalabyo casri ah taas oo loogu talo galay tafotirka video ga heer sare ah. Adobe primier pro waxa uu taageero buuxda siiya resolution ka kale duwan sida HD , 4K iyo xita 8K.waxa si joogta ah loogu isticmaala wakaaladaha filimyada youtubers ka iyo wixi la mida.
- Final cut pro :- waa softwere editin gaar u ah mac, gaar ahaan computers ka shirkada apple. Waa mid ka mida softwereada ugu caansan ee ay isticmaalan dadka isticmaala computerda mac, waana softwere awood u leh in aad ku samayso muuqaalo aad u tayo wanaagsan.
- filmora :- Waa softwere aad ugu wanaagsan editing ka waxa uu aad ugu haboon yahay dadka cusub taasi oo ay fudud tahay in ay adeegsadaan softwere kan kuna sameeyan muuqaalo aad u tayo wanaagsan. Waxa uu sidoo kale uu leeyahay wajahaad fudud oo dadki si sahlan u isticmaali karaan waxa uuna sidoo kale awooda in uu ku sameeyo muuqaalo 4K ah, Hd ah iyo kuwo kale oo kale duwan.
- Cupcut :- Waa softwere aad u fudud taasi oo aad u isticmaali karto video editing ka taasi oo ay aaad u sahlan tahay barashadiisu. Capcut waa softwere ay dadka badana imika soo fahfahmayaan aadna dadku u isticmaalan waana softwere badana ay somalidu aad u xiisayso badan kood na ay yaqanaan.
Sidee ugu shaqaysan kartaa xirfadan
Si aad ugu shaqaysato xirfada video editing ka waxa lagaaga baahan yahay in aad raacdo sadexdan dariiqo taasi oo dhaqaale fiican uga samayn karto xirfadan
- noqo freelancer :-waa hab aad internet ka dhaqaale fiican uga samayn karto adigoo ku biiryaya aaladaha bixiya freelancing ka sida fivver, upwork, freelancing iyo wixii la mida.
- noqo youtuber :- Si aad dhaqaale fiican uga samayso xirfadan samayso kannaal youtube ah adigoo dadka ugu soo gudbinyaa youtube kaagaas casharo khuseeya xirfadaadan ama waxa kale ee aad jeceshahay ba waxa aad dhaqaale fiican ka samayn kartaa youtube kaaga bil kasta.
- noqo xaysiiye :- Si aad dhaqaale uga samayso xirfadaadan waxa kuu furan in aad noqotid xaysiiye adigoo ganacsatada ka caawinaaya in aad u xaysiiso una diyaariso muuqaalo aad u soo jiidanaaya macaamisheeda. Ganacsi kasta maanta kama maarmo xaysiis taasna waa fursad kale oo aad xirfadaada ugu shaqysan karto.
- samayso website online ah :- Website online ah waxa uu kaa caawin karaa in aad si fudud ugu iibiso xirfadaada video editing ka adigoo ku iibinaaya casharo ama template aad hore u samaysey si qofku si yar oo fudud muqaalkaagi hore uu aayar wx uga badalo si uu u isticmaalo.
Guntii iyo Gunaad Kii
Xirfada video editing ka waa xirfad maanta aad loogu baahi badan yahay waa xirfad suuqeedu aad usii koraayo marba marka kasii danbaysa waa xirfad aad dhaqaalahaaga kor ugu qaadi karto adigoo dhaqaale fiican ka samaynaaya bashii xirfadan. Baro xirfadan maanta barina ka samee xifadan dhaqaale aad u fiican.
Add a Comment